Maxaa cusub: ”KAMARAD WAX KA ARKEYSA DHARKA HOOSTIISA”

13.03.08 Oslo(sl.no) – Shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabo Thru Vision ayaa waxay soo saartay kamarad ay ugu magac dartay T5000. Kamaradan oo suurta gelinaysaa in lagu arko waxyaabaha lagu hoos qarariyo dharka qofku gashan yahay sida: waxyaabaha qarxa, maandooriyaha iyo hubka.

Kamaradan cajiibka ahi waxay isku si wax uga arkeysaa fogaan dhan 25 mitir haddii qofku taagan yahay iyo haddii uu soconayaba, iyada oo isticmaalaysaa falaadhaha ama shucaaca loo yaqaan Terahertz.

T5000 waxa la soo bandhigi doono wiigan waxa aanay khubaradu ugu talo galeen in loo isticmaalo xagga amaanka siiba gegooyinka diyaaradaha. Goobahaa oo qalabka loo isticmaalo imika si fudud loo dhaafi karo. Sidoo kale khubadu waxay cadeeyeen in kamaradan aanay ugu talagelin in loo isticmaalo daawashada jidhka dadka.

Ugu dambeyn, soo saarida kamaradan waxa dareen didmo leh ka muujiyey dadweynaha ku dhaqan dalka Ingiriiska. Dalkaa oo dadkiisu kolkii horeba khaati ka joogeen qalabkaa wax ilaaliyo oo goob walba ku xidhan.

 

Somaliland.no

Xafiiska Oslo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.