Posted on April 8, 2009 by Weriye2
Dhamaan xubnaha xafiiska Somaliland ee Norway waxay hanbalyo Meher ah Hawada u marinayaan Moxamaed Jamaac Warsame (Bensal) iyo Nimco Xasan Aadan oo Meher koodu ka dhacay 08.04.2009 Huteel Mansoor Ee Hargeysa. Waxaanay leeyihiin noqda ku wii aqalgalkooda ku gaadha bash bash iyo barwaaqo. Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Xafiiska Somaliland ee Norway
Abdi-kuriya
Filed under: Norway | Leave a Comment »
Posted on February 14, 2009 by Weriye2
Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Dalka Norway Oo U Xaqiijiyey Masuuliyiinta Xisbiga UCID In Norway Goob Joogayaal U Soo Diri Doonto Doorashooyinka Ku Soo Fool Leh Somaliland(Sawiro). Oslo(Ramaas) Feb.14, 2009 – Weftigii ka socday Xisbiga UCID ee ay hogaaminayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Gudd. Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii shalay Kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibeda Ee Norway, masuuliyiin ka kooban shan sarkaal. Saraakiishan oo kala metelayey Qeybta Arimaha Afrika, Qaybta Nabadaynta iyo Heshiisiinta iyo Qeybta Xuquuqda Aadanaha iyo Doorashooyinka. Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on February 13, 2009 by Weriye2
Oslo(Ramaas) Feb.13, 2009 – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa xalay saqdii dhexe si diiran loogu soo dhaweeyey dhabaha diyaaradaha ee magaalada Oslo. Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on February 12, 2009 by Weriye2
Weftisharaf ka kooban gudoomiyaha Golaha Wakiillada iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID, Mudane Cabdiraxmaan Abdilahi Cirro iyo Mudane Feysal Cali Waraabe, ayaa maalinta khamiista 12.feb.09, booqasho ku imaan doona wadanka Norway,caasimadda Oslo.
Hadda inta uu weftigani ku sugan yahay magaalada Oslo waxay shir weyn oo ay ugaga warbixinayaa xaaladda Somaliland u qaban doonnaan dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka Norway.
Shirkaasi wuxuu ka dhici doonaa Jaaliyada, jimacaha 13 feb. kl.1800
Haddaba, dadweynaha xiisaynaya inay shirkaas ka qeybgalaan, waxaanu ogeysiinaynaa inay gacmo furan ku soo dhawaadaan, wakhtigana dhowraan.
Jimacaha 13 feb. kl. 1800 Jaaliyada Somaaliland
Salaan qiimo iyo qaayo weyn
For more information la xidhiidh:
Abdihakim Ismail: 95822451, Fatima Ali Madar: 92836041
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on January 19, 2009 by Weriye2
Xamse Maxamed Xubin Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Oslo Xisbiga (SV).
Waxaa naxdin igu noqotay in aan arko bogga hore ee jaraa’idka gelinka danbe magaaladda Oslo ka soo baxa ee la yidhaa Aftenposten Aften. Halkaas oo frontpage-ka ay ku qornayd ”Butikkene plages av khat-brukere” taas oo macnaheedu tahay meheradaha waxaa dhibaato ku haya dadka qaadka cuna. Read more »
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on December 25, 2008 by Abdirisak Fadal
Oslo(Ramaas) Dec.05, 2008 – Waxa shalay (04.12.2008) lagu saxeexay war-saxaafadeed ka soo baxay dood-cilmiyeedkii miisaanka maansada ee ku qabsoontay jaamacadda Oslo, iyo kulan turxaan bixin ah oo loo qabtay labada aqoonyahan Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye” iyo Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed ”Carraale” 29.11.2008 kuna qabsoomay guri ku yaal magaalada oslo.
Saxeexa war-saxaafadeedkan oo ay qalinka ku duugeen labada aqoonyahan, isla markaana ay si buuxda isugu raaceen waxa uu xambaarsan yahay, waxa lagu saxeexay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Oslo(Gardermoen).
Waxaana labada aqoonyahan ka saxeexay qoraalka guddoomiyihii guddida hawshan waday Prof. Xusseen Xasan Guuleed. Xafladii saxeexa war-saxaafadeedka ka dib waxa ramaasnews waydiisay su´aalo kooban labada aqoonyahan iyo Guddoomiyaha guddiga Prof. Xusseen Xasan waxaanay u dhaceen sidan: Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on November 30, 2008 by Weriye2
Waxa dhamaan ummadda ku hadasha Af Soomaaliga loogu baaqayaa in Dood-Cilmiyeed ku saabasan Miisaanka Maansada Soomaalida lagu qaban doono:
Magaalada Oslo Maalinta Talaadada 02.11.2008 Saacada 4-ta Galabnimo ilaa 10-ka Habeenimo.
Dood-Cilmiyeedkaas oo dhex mari doonta: Prof. Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed ”Caraale” iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye”.
Goobta lagu qabanayaa waa: Universitet Biblioteket i Oslo, Auditorium: Sverdrupshus Blindern. Ka soo qeybgal wacan
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on November 26, 2008 by Weriye2
Oslo(Ramaas) Nov.25, 2008 – Waxa Xalay markay goor sheegtu ahayd 8-dii fiidnimo, soo gaadhay magaalada Oslo Prof. Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed ”Caraale”. Caraale wuxu ka soo kicitimay dalka Danmark oo uu degenaa siddeedii sanno ee ugu dambeyey. Socdaalkani maaha kii ugu horeeyey ee Caraale ku yimaado Oslo, hase yeeshee sanadkii 2004-tii ayuu markii ugu horeysay yimi, isaga oo gardaadinaya buugga uu qorey ee ”Miisaanka Maansada Iyo Gorfeynta Gabeyga, balse socodkaalkani wuu ka duwan yahay kaa hore. Waxaana uu u socdaa dood-cilmiyeed dhex mari doonta isaga iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye”. Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on November 25, 2008 by Weriye2
Muddo badan ayaa waxaa qoraalo badan laga qoray miisaanka maansada iyo daahfurkeedii. Arintan waxaa loo tiriyaa inay daahfur ku sameeyeyeen Labada aqoonyahan ee Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Caraale” iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Labadan aqoonyahan runtii ummada ku hadasha afka Soomaaliyeed waxay u soo bandhigeen hab fudud oo bulshada ku hageysa inay ilaashadaan habdhaca iyo hab socodka maansada ay ummadaha aduunka kaga suntan yihiin kolkii lagu magacaabey “bulshadii Gabayga”. Bahda mareegta farshaxan oo had iyo jeer ku dadaasha inay ilaalinayso una hawl gasho kobcinta iyo dayactirka afkan hodanka ah ayey u suurtogashey inay wareysi dhinacyo badan taabtay la yeelato Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Caraale” , Read more »
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on November 25, 2008 by Weriye2
Hedersgjester i KinaHøgskolen i Oslo og Communications University of China i Beijing knyttet sterkere vennskapsbånd da Ismail Hassan og Frode Eika Sandnes fra Avdeling for ingeniørutdanning var på besøk.
Avdelingen for databehandling ved Communications University China inviterte medarbeiderne fra avdeling IU for å videreføre samarbeidet som avdeling IU og CUC har jevnt bygget opp de siste fire årene. Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on November 20, 2008 by Weriye2
Fatima Madar, -Når man ser på oppslagene i media og ikke minst boken «Se oss», er det ikke rart den norske befolkningen oppfatter at de fleste somaliere er kriminelle individer som slår og omskjærer barna sine, begår alvorlige overgrep og kun utnytter det norske systemet, med andre ord at de tilhører en folkegruppe som blankt nekter å la seg integrere i det norske samfunnet. Jeg spør meg selv: Står det virkelig så dårlig til? Read more »
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on November 20, 2008 by Weriye2
Aniga oo ka mida dadka dareenkoodu uu sida aadka u diidan yahey in qof bini`aadam ahi uu naftiisa iyo nafo kaleba ku gooyo is miidaamin, ayaa waxaa jirta in arintaasi ay waqtii hore igu aheyd reer guuraa raac iyo caruur waa loo kala waramaa ismase arkaan. Waxey igu aheyd sheeko baraley markaan maqlo qofbaa isku qarxiyey Baqdaad, Qudis, London New.York iyo meelo kale oo fogfog, dabcan mararka qaarkood ciilka aan gaalada u qabo waaban u guuxi jirey, waxaanan is odhan jirey Ciyowgii habeen dhawaaqey wuxuu ka cawdey ayuu dareemay (Ninka is biimeyey waa nin la ciiley). Sheekadii aan aamisana iyo wixii aan isku maawelin jirey mar qudha ayey been noqdeen waxaana beeniyey markii la ii soo sheegey in Xaaji AhmedYasiin Yusuf Dhegey) oo aanu sanadkii 2000 Beyta Alle wada dawaafeyn iyo daraasiin kale oo dada oo aan badankooda hebel iyo hebelu garanaya si bilaa naxariisa ay ugu hoobteen Qaraxyadii is miidaaminta ahee 29.10.08 ka dhacey Magaalada Hargeisa, ah oo ay fuliyeen dad ku fikira sida la ii sheegey kuwa isku Qarxiya caalamka intiisa kale. Oo Hargeisa ma Yuhuud baa joogta. Miyaaney aheyn Hargeisadan marka salaada la eedamo uu Eedanka Alle is qabsado,miyaaney aheyn Hargeisdan kumaankunka caruuri quraanka subcinayaan ee sanad walba biladaha la gudoonsiyo. Hashu maankeyga gadadeye ma Maansaar bey liqdey. Read more »
Filed under: Norge, Ukategorisert | Leave a Comment »
Posted on November 12, 2008 by Weriye2
Dhamaan guddida iyo Wakiilka Somaliland ee Norway waxay tacsi u diraynaa, dhamaan ehelkii, qaraabadi, asxaabtii iyo inta ifka ku taqaanay Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke oo maanta shil baabuur ku geeriyooday.
Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke, waxaan ILLAAHAY uga baryanaa Janno fardawsa iyo danbi dhaaf, amiin .
Xafiiska Somaliland ee Norway.
Filed under: Norge, Somaliland | Leave a Comment »
Posted on November 3, 2008 by Weriye2
Terrorister mener at vi ikke er gode nok muslimer og vil tvinge oss til å forbli en del av Somalia og det kaoset som herjer der. Men vi kommer ikke til å bli en del av Somalia igjen og vi kommer ikke til å bøye oss for terroristene. Vi må kjempe imot dem og kommer ikke til å gi oss, sier Mohamed M. Adan,Somalilands representant i Norge. Han håper at det internasjonale samfunnet kan støtte Somaliland i den vanskelige tiden etter terrorangrepet. – I Hargeisa bor det én million mennesker, men de har bare ett sykehus. Nå er det et stort behov for medisiner og medisinsk personell med spesialkunnskap, sier Adan. Read more »
Filed under: Norge, Norway, Somaliland | Leave a Comment »
Posted on November 3, 2008 by Weriye2
Oslo, (norway 03/11/08) Waxaa soo gaaray magaalada Oslo cariga Norway Cabdirizak Abdi Mohamed oo ka mid ahaa dadkii dhaawacu ka soo gaaray Qaraxyadii argagixisadu ka fuliyeen magaaladda Hargeisa bishii hore 29keedii. Wakiilka Somailand ee Norway Maxamed A Linen oo ambalaaska ku sii sagootinaya dhibanaha
Cabdirizak waxa uu ahaa Muwaadin haaysta dhalashada wadankan Norway waxaana uu ka mid ahaa ragii bilawgii sagaashaneeyadii soo galay waedankan Norway. Cabdirisaq waxa uu bil iyo badh ka hor u ambabaxay Somaliland magaala madaxdeeda Hargeisa waxaanu maalmihii u dambeeyay qorshihiisu ahaa in uu soo laabto bishii tagtay 24 keedii hase yeeshee uu dib u dhacay isagoo sii jeclaaystay dalka hooyo. Read more »
Filed under: Norway, Ukategorisert | Leave a Comment »
Posted on October 31, 2008 by Weriye2
INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Anagoo ah gudidada Jaaliyada Norway,waxaanu:
1. Tacsi Qaran udiraynaa Dhamaan Umadda somaliland xukuumada iyo shacabkaba Hujuumkii iyo weerarkii Axmaqnimadda iyo cadawnimada ahaa ee laga fuliyey Caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanan leenayahay Masiibadaa Qaran ilaahay sahal haynagu dhaafiyo samir iyo iimaana ilaahay haynaga siiyo intii ku dhimatay,wixii ku dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo..
2. Canbaarayn : Waxaanu si wadajir ah u canbaaraynanaa falkaa axmaqnimada iyo doqonimadu ka muuqato.
3. Taageerida : Waxaanu tageero buuxda u soo diranaa Xukuumada iyo Umada Somaliland.
Guddida Jaliyada Somaliland ee Norway
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on October 30, 2008 by Weriye2
- Som vän av Somalilands demokrati är jag djupt chockad över de terrordåd som drabbat landet. Över 20 människor dödades i samordnade självmordsattacker och en svenska som arbetar för FN i huvudstaden Hargeisa skadades. Read more »
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on October 30, 2008 by Weriye2
We, the Somaliland Organizations in the Diaspora, are dismayed by the terrorist attacks in Somaliland, and we would like to express our deepest sympathies to the families of the victims and to the people of Somaliland in general. We join with all those who clearly condemn this utterly deplorable act of aggression and terror committed against the people of Somaliland. It is heartbreaking that people of Somaliland again become a victim of terrorists. Read more »
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on October 30, 2008 by Weriye2
Waxaan cambareynaynaa falkii aadka u foosha xumaa ee maalintii arbacadda bisha 29.oktober lala beegsadey madaxtooyadda Somaliland, safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland,iyo weliba xarunta UNDP. Falkaasi u ahaa mid gardarro cad ah oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qarranka iyo ummadda reer Somaliland laguna baabiyo horumarkeeda nabadeed, oo weliba la wiiqo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland gebi haanteedba, waxa aanu u arragnaa in uu ahaa mid dad masaakiin ah lagu laayay , oo ay dad muslinimmada ka fog ay soo abaabuleyn, waxaanu anagoo ka tiiranyeysan arrintaasi tacsi u direynaa dhamaan qaraabadii iyo heladii dadkii ku geeriyoodey weerarkaasi fuleynimmadda leh ee lagu qaadey Jamhuuriyadda Somaliland, Read more »
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on October 27, 2008 by Weriye2
“Xalka Somalia waxa uu ku jiraa Somaliland ood aqoonsataan. Xildhibaanadda Embigaati yaanay wakhtiga iskaga lumin Nairoobi hana aqoonsadaan Somaliland” sidaa waxaa yidhi C/nasir Saciid Seef (Abdi-dheeg) oo ahaan jiray wasiir iyo xildhibaan dowlada TFG ee somalia, Abdi-dheeg oo hadalkiisii sii wataa waxaa uu yidhi “Nabadda somalia waxaa loo marayo meel qaldan oo aan ahaayn Nairobi iyo IGAD balse aay tahay in marka hore la aqoonsado Somaliland taaso keeni karta in Somaliana laga nabadgalyo iyo deganaasho aay ku nagaadaan dhamaan wadamadda geeska afrika. Read more »
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on October 25, 2008 by Weriye2
Ka soo qayb gal kulan xiisabadan oo ka dhacaaya rugta safarada Somaliland ee Oslo. Kulankan waxa inoogu marti ah C/nasir saciid seef, oo ahaan jiray wasiir iyo xildhibaan dawalada ku meel gaadhka ah ee Somaliya. C/nasir waxaa uu u ololaynayaa gooni isutaaga iyo qadiyada somaliland. Ka soo qaybgal shirkan xiisaha badan.
Goobta; Nordahl brunsgt. 22 A,
Wakhti: Axada 26.10.08, Kl. 15.00
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on September 14, 2008 by Weriye2
Oslo, 13.09.08, Xafiiska Somaliland Oslo,
Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan ”Liilan” oo halkaa ka yidhi ereyo soo dhaweyn ah waxa ereyadiisii ka mid ahaa: Waxa sharaf ii ah aniga oo ah wakiilka SL ee dalka Norway in aan weftiga miisaanka leh ee ka timi dalkeenii ku soo dhaweeyo xafiiska wakiilnimada, waa ilaahay mahadii in inaga oo Oslo joogna aynu calankeenii hoos fadhino oo ay inoo yimaadeen guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Ciro iyo Guddoomiye-xigeenka Mudane Cabdicasiis Samaale. Read more »
Filed under: Norge, Warka | Leave a Comment »
Posted on September 14, 2008 by Weriye2
Oslo, 13.09.08, Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Cabdillahi Cirro iyo ku xigiinkiisa Kowaad Cabdicasiis maxamed samaale oo shalay booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway ayaa maanta xarunta shirarka Tøyenbekken/Gronland kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Norway gaar ahaan magaalada Oslo waxaana kulankaas ka soo qaaybgalay dadweeyne aad u tiro badnaa oo si wanaagsan u soo dhaweeyay masuuliyiinta. Read more »
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on September 13, 2008 by Weriye2
Oslo, 12.09. 2008, Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa habeen hore si weyn ugu diirsaday uguna farxay, kadib markii ay daawadeen barnaamij looga doodayey buug lagu af-lagaadey sharaftii iyo karaamadii Soomaalida Norway, kaas oo ay qortay gabadh sheegatay in ay Somali tahay isla-markaana is-qarineysa. Buugaan oo xalay dadka Noorwijiyiinka iyo Somalidii daawanaysay barnaamijka dooda ee Tabloid (TV-2) ayaa cod-bixin la qaaday kadib isku raacay 96% in dhamaan qodobada ku-qoran buugan lamagac baxay SE-OSS(na arka) ay yihiin been la soo mala awaalay oo raqiis ah, Read more »
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on September 12, 2008 by Weriye2
Oslo, 12.09.08 (S.land.no), Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Ciro iyo ku xigiinkiisa koowad iyo Mudane Cabdicasiis Samaale ayaa maanta booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway SDWO (Norway 12/09/08) Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Ciro iyo ku xigiinkiisa koowad iyo Mudane Cabdicasiis Samaale ayaa maanta booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway caasimadiisa Oslo . Read more »
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »